Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada Booliiska Somaliland ay xabsiga u taxaabeen fanaanka Axmed C/kariim Maxamed (Axmed Biif) oo shaley gaarey magaalada Hargeysa halkaasi oo uu ku qabanayey bandhig faneed.

Wararku ma sheegin sababta xabsiga loogu taxaabay Fanaan Axmed oo ah fanaan dhalinyaro ah oo aad loo jecel yahay heesihiisa, waxaana lagu wadey in habeen dambe uu ka tumo isaga & fanaan kale magaalada Hargeysa bandhig faneed aad loo qaban qaabiyey.

Axmed Biif ayaa la filan karaa in xabsigiisu uu ku aadan yahay heeso uu kal hore u sameeyey gobolada Sool, Sanaag & Cayn oo ay ku muransan yihiin maamulada Puntland & Somaliland. (Video Player hoose ka daawo mid ka mid ah heesaha uu qaado Axmed Biif ee aad loo jecel yahay)

Daawo 

Maamulka & shaqaalaha warbaahinta SBC waxay aad uga xunyihiin xariga Axmed Biif oo sanadihii 2004-2005 ka mid ahaa wariyeyaasha SBC xiligaasi oo tabin jirey barnaamijka fanka & suugaanta.

Hayaan Faarax
SBC Hargeysa