Kooxda Barcelona ee reer Spain ayaa ku guuleysatey koobeedkii afaraad ee Champion League-ga ka dib markii ay uugu  awood sheegatey 3-1 kooxda Manchester United ee reer England.

Ciyaar adag oo aheyd finalka Champion-ka isla markaana si weyn sanadkan la isugu birtuntey. Goolal ay dhaliyeen Pedro, Lionel Messi, Devid Villa ayaa u suutagaliyey inay hantaan koobka Champion-ka kooxda Barcelona.

Koobkan oo caawa yiil guriga Ingiriiska ee Wembley waxaa laga qaaday koox Ingriis ah, waxaana muuqanaysa in Man United awood loo sheegtey caawa.

Man United halka gool ee ay heshay waxaa u dhaliyey ciyaaryahanka Rooney oo caawa ahaa kn kaliya ee ka muuqda ciyaartoyda Shayaadiinta cas cas.

Kaptan Abidal oo lagu sharfay in uu qaado koobka