Wararka ka imaanaya degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaasi ay isaga baxeen xoogaga Shabaabka ee halkaasi ku lahaa fariisinka weyn.

Qof ku sugan degmada Ceelbuur oo codsadey inaan magaciisa saxaafada laga sheegin sababo amaankiisa ku aadan ayaa sheegay in maleeshiyaadkii Shabaabka ee ku sugnaa degmada Ceelbuur ay halkaasi maanta isaga baxeen iyagoo gabi ahaanba ka guuray saldhigyadoodii ciidan ee degmada Ceelbuur.

Lama oga ilaa iyo haatan halka ay u aadeen xoogaga Shabaabka ee ku sugnaa degmada Ceelbuur waxaase la soo sheegayaa in u baxeen dhanka gobolada Koonfureed, waxaa jira warar sheegaya in ay u guureen gobolada Baay & Bakool.

Ka bixitaanka Al-Shabaab ee degmada Ceelbuur ayaa lagu tilmaamay inay tahay talaabo ka dhalatey ka dib markii ay kooxdaasi isaga baxdey guud ahaan magaalada Muqdisho, arintaasi oo u muuqanaysa guul balaaran oo u soo hoyotey dawlada KMG Soomaaliya.

Axmed Aar
SBC Muqdisho