Ugu yaraan sadex qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen sideed qof oo kale oo uu ka mid yahay xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Kenya uu dhaawac ka soo gaarey qaraxii caawa ka dhacay agagaaraha Masjidka Hidaaya oo ku yaal xaafada ay Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

War laga soo xigtey saraakiisha hay’adda Isu tilaabta cas (Laanqayrta cas) waxay ku xaqiijiyeen geerida laba qof, laakiin laamaha amaanka gaar ahaan Booliiska Kenya ayaa sheegay in sadex qof ay ku dhinteen qaraxii, halka sideed qof oo kale oo uu ka mid yahay xildhibaanka laga soo doorto xaafada Kamkuji oo lagu magacaabo Yuusuf Xasan, iyadoo aan la sheegin xaalada dhaawaciisa.

Qaraxa ayaa ka dhacay wadada Muratina Road Section 1, saacada Afrika bari markii ay aheyd 8-dii fiidnino, waxaana la xaqiijiyey in xildhibaanku uu Masjidka ku tukanayey, lamina oga in isaga loola dan lahaa in qaraxaasi lagu dilo iyo in kale.

Saraakiisha Booliisku waxay sheegeen in qaraxu uu ahaa bam lagu aasay wadada dhinaceeda.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in uu indhihiisa ku arkay 10 qof oo qaraxa ku waxyeeloobay kuwaasi oo qabey dhaawacyo kala duwan, waxaana dhaawaca loo daad gureeyey Isbitaalka Afueni ee deegaanka Buruburu ku yaal. area.

Qaraxan waa kii labaad oo mudo 48 saac ah ka dhaca xaafada Eastleigh ee ay Soomaalidu ku badan tahay, waxaana Arbacadii qaraxan oo kale uu ka dhacay deegaanka Joska, iyadoo ay ku waxyeeloobeen 7 qof.

16-kii bishii hore ee November qaraxan oo kale ayaa deegaankaasi ka dhacay, waxaana Booliisku ay sheegeen inay ka walaacsan yihiin kororka qaraxyadan

SBC News Desk