Walaalkeygow Qayilow ma ogtahay in wadanku kuu baahan yahay oo ku tabayo

Qarnigaan 21naad ee aan kujirno ayaa aduunweynuhu wuxuu talaabsanayaa horumar balaaran iyadoo ay mar walbana garab socdaan dhibaatooyin soo foodsaaraya aduunyada ,haday noqoto dhinac nabadgalyo dhaqaale iyo caafimaadba ,aduunyada aan kunooloohay iyo  wadadamada horey umarayna waxay sameeyaan u diyaar garow ku aadan sidii ay uga tilaabi lahaayeen marxalad walba oo soo foodsaarta,iya goo kafakaraya meel fogna waxay dhalinyarada soo koraysa u carbiyaan una barbaariyaan inay noqdan ku wii dunida hagi lahaa, arintaas oo ugu yeeraan  ( Invest on future )

Hadaba waxaa is weydiin mudan  maxaa udiyaarsan wadankeena iyo umada Soomaaliyeed inkastoo la oran karo ummada soomaaliyeed waxay hiigsanaysaa inay kabaxdo dib udhicii kuyid 30kii sano oo lasoo dhaafay waxaana wadanka kasocda horumar ,dib udhisid iyo kobcin dhaqaale.

Waxaan shaki kujirin doorka ay dhalinyarada soomaaliyeed kasoo qaadatay xornimadii iyo horumarantii wadanka iyadoo tusaale ahaan loosoo qaadan karo SYL iyo ardaydii gurmadka  oo marka ay dugsiyada sare dhamaystaan 2 sanoo gurmad ah ah dadka ku dhaqan gobolada iyo tuulooyinka wadanka gaarsiin jiray barina jiray qorida afka Soomaaliga.

Aan u dhaadhaco dhumacda qoraalkee walaalkayga qayoloow ma,ogtahay in wadanku doorkaagii dhalinyaronimo tabayo ma, ogtahay in wadanku utaahayo oo leeyahay meeday dhalinyaradii igu dhalatay oo ii dhalaytay oo iga saari lahayd marxaladan adag ,ma’ogtahay walaalkayga qayiloow inaanu kujecalahay oo aan jecelahay wanaagaaga iyo iyo hurumarkaaga walaale ma’ogtahay inaan hiil iyo hooba kaaga baahanahay walaale ma’ogtahay hadaad nagu soo biirto in intaan hada qabano labajibaarkeed  aanu qaban  karno, mise ogtahay wadanku inuu marayo waqti xiiso leh oo latiigsanayo horumar ,hididiilo iyo hankii ummada soomaaliyeedna u dib usoolaabtay mise ogtahay  walaaca iyo walbahaarka ay nagu hayso dhibaatada uu qadku kuguhayo ,ma’ogtahay inaan dharaar iyo habeenba kuusoo ducayno,oo aan dhahno ILAAHOW dhalinyarada soomaaliyeed qaadka kamadoobee .

Walaale ma ogtahay inaad kabixi kartid oo aad joojin kartid walaale balfiiri kuwii qaadka cunijiray oo joojiyey iyo meesha noloshoodu marayso maanta, waxaan shaki kujirin inaadan waligaa arag qof intuu qaad iskadaayey kashalaayey oo noqday kadaroo dibi dhal, qofwalba oo daayaa wuxuu kutilaabsadaa horumar caafimaad dhaqaale,qoys iyo sharafta iyo karaamada uu bulshada ku leeyahay oo dib usoo noqota.

Hadaba haday intaasoo dhani dhab ama xaqiiq jirta ay tahay maxaa kaahortaagan inaad nagusoo biirto ileeyn waa kuubaahanahay waana kusoodhawayneynaa waayo waxaad tahay garabkayagii bidix , Walaale talada adigaa iska leh laakiin waxaa lagaaray waqtigii isbedelka bulshada dadkii iyo dalkii soomaaliyeedna idinka quusan maynee dib baan idiin soo jaleeceynaa, waxana idin leenahay waan idinjecelahay walaalayaal kasoo baxa mugdiga ………

Gudoomiyaha ladagaalanka qaadka
Abukar Awale  ( Qaad Diid )

Daalacatey :730

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

ARTICLE TOOLS
Share to Facebook Share to Twitter Email to friend Print