Magaalada Garoowe xarunta Puntland oo uu xalay kus oo gaba gaboobay Shirkii wada tashiga Garoowe 2 ee mudada 3da maalin ah ka soconayay ayaa maanta waxaa ka ambabaxay Wafuudii dhinacyada badan laheyd ee ka qeyb qaadaneysay shirka wadatashiga

Garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe waxaa ka duulay dhamaan wafuudii isugu jirtay Masuuliyiinta DKMG ah, Maamulka Galmudud, iyo weliba wafuudii QM, Midowga Africa iyo weliba Dowlada Jabuuti,

Masuuliyiinta Dowlada Puntland iyo weliba dadweyne tiro badan ayaa ku soo sagootiyay Garoonka diyaaradaha Magaalada,

Sikastaba ha ahaatee xalay Sakhdii dhexe ayaa uu si rasmi ah u soo xirmay Shirka wadatashiga Soomaalida wajigiisii labaad, kaasi oo lagu kala sixiixday heshiis ku aadan dhamaan waxyaabihii laga wada hadlay.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe