Waxaa maanta duhurnimadii soo garay magaalda Garoowe ee caasimada dowlda Puntland wafdigii uga qayb galay shirkii wada tashiga ahaa dowlada Puntland ee mudada saddexda bari ah ka soconayay Magaalada muqdisho ee caasimada wadanka soomaaliya.

Wafdigaani ayaa waxaa hor kacayay wasiirka waxbarashada Puntland Cabdi Siciid Faarax {Juxaa} waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe international airport ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin kala Gadisan oo ugu horreeyo madaxwayne ku xigeenka dowlada Puntland Gen.cabdi samaed cali shire ,wasiiro iyo qaar ka mid mudanayaasha Baarlamaanka.

Waxayna u gudbeen wafdigaasi qasriga madaxtooyada halkaasi oo uu saafada kula hadlayay saxaafada wasiirka waxbarashada ee Puntland cabdi siciid faarax {juxaa}ugana warbixiyay madaxwaynaha Dowlada Puntland waxyaabihii ay kala sookulmeenshirkii wada tashiga ahaa  ee aykumatalayeen dowlada Puntland isagoona xusay in shirkaasi ay ka soobaxeen qodobo wax ku ool ah isagoona xusay in Laysku afgartay dhammaanba waxyaabihii shirka lagu soo bandhigay marka laga reebo buu yiri wasiir juxaa qodobka ku saabsan dhimista baarlamaanak dowlada KMG ah ee soomaaliya  isagoona Sheegay in dib loo dhiagay qodobkaasi lagagana wada hadli doono shirarka danbe ee laysugu imanyo .

Wasiir juxaa ayaa sheegay in qodobka ugu muhiimsan ee shirkaasi ka soo baxay uu noqonayo in laysku afgartay in bisha ocktober laysugu iman doono shirkale kaasi oo ka dhici doona magaalda garowe Ee caasimada dowlada Puntland loona baahan yahay in loo diyaar garoobo ayna tahay guul u soo hoyatay ummada reer Puntland,wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in shirkaani uu ahaa mid muhiim u ah Ummada soomaaliyeed kana duwnaa shirarkii hore u dhici jiray.

Madaxwaynaha dowlada Puntland Dr.C/rixmaan Sheekh Maxamed Maxamud Faroole ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanayahay in Puntland ay ka qayb gasho shirar loogaga hadlaya xalka ummada Soomaaliyeed ayna sii wada doonaan ka qayb galka shirarka noocaan oo kale ah.

Madaxwayne faroole ayaa xusay inay iska jiraan caqabado dhanka ammaanka ah oo uu sheegay in loogu soo gabanayo dhanka qabiilka balse waxaa uu sheegay in laga gudbi doono arrimaha noocaan Oo kale ah.

Dhawaanta ayay ahayd markii uu ka furmay amagaalada muqdisho shir loogu magac daray shiirka wada tashiga ummada soomaaliyeed laguna casumay qaybaha kala duwan ee soomaalida Puntland ay Ka mid ahayd maamulada lagu casumay iyadoona maalinimadii shalay ahayd la soo gabagabeeyay shirkaasi iyadoona laysku afgartay dhowr qodob oo aan si rasmia ha sxaafada loogu soo bandhigin Iyadoona lagu ballamay in  dhawaanta shir  kale lagu  qabto magaalada Garoowe ee caasimada dowlada  Puntland.

DAAWO SAWIRADA….

Yuusuf Maxamed Maxamuud
SBC International Garoowe