Wafdiga Madaxweynaha Puntland dr C/raxmaan Faroole iyo Raiisul wasaaraha DOwlada KMG ah ee Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa Soo gaaray magaalo ganacsiga Deegaanada Puntland ee Bosaaso.

Bulsho aad iyo aad u tiro badan ayaa ku soo dhaweeyay Wafdiga Afaafka hore ee Magaalada iyagoo la arki karay iyagoo safan hareeraha wadada weyn ee soo gasha magaalada, waxaana ay gacmaha ku siteen calamada Dowlada Puntland iyo kan Qaranka Umada Soomaaliyeed ee Buluug ah islamarkaana dhexda Xidigta Shanta gees ku taas iyo weliba caleemo qoyan.

Amaanka ayaa si adag waxaa u sugayay ciidamada Amaanka Magaalada Boosaaso, waxaana loo gelbiyay Wafdiga dhanka Madaxtooyada Dowlada Puntland ee Boosaaso,

Waxaa la filayaa in halkaasi ay kula hadlaan saxaafada kana war bixiyaan waxyaabaha uu ku saleysanyahay safarka ay maanta ku soo mareen deegaanada Laamiga Saaran ee Puntland, waxaanad kala bogan doontaan warakayaga dambe.

SBC INternational Boosaaso