Gudigii dowlada Federalka Soomaaliya ay u dirsatay Magaalada Kismaayo balse laga soo celiyay ayaa ka warbixiyay sababaha magaaladaasi looga celiyay .

Mid ka mid ah Wafdihii dowlada ee Ka degay Kismaayo Balse loo diiday in ay gudaha u galaan dibna ugu soo noqday Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Salaad Cilmi Axmed islamarkaana u waramay Warbaahinta waxaana uu sheegay in markii ay gaareen magaaladaas ay u diideen saraakiil ka tirsan ciidamada Kenya ee halkaasi ku sugan in ay magaalada Gudaha u galaan.

“Waxaan la kulanay waxyaabo aanaan fileyn, sababtoo ah meel dalkaaga ka mid ah oo aadan idhaheyn Gumeysi ayaa heysta oo lagaa horistaago, laguna yiraahdo ‘magaalada ma gali kartid, tanta aad u socotana kama fushan kartid'” ayaa uu yiri xubintaasi ka tirsan wafidiga.

Waxa uu intaasi ku daray Salaad in intii ay ku sugnaayeen Magaalada Kismaayo Garoonkeeda diyaaradaha aysan arag sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaalida ah, ciidamada sheeganaya Amisom ee Kenyanka ahna aanay wadan wax calaamad cadeyneysa in ay Amisom ka tirsan yihiin waa sida uu hadalka u dhigaye.

Xubintan ayaa sidoo kale sheegtay in ujeedada loo celiyay ay ka fahmeen in maamulka magaalada Kismaayo ka jira  aanu dooneynin in wafdigaasi ay gudaha u galaan Kismaayo howlaha ay u socdaana ka fushadaan.

Wafdigan ayaa ahaa kuwo ka socday Madaxtooyada islamarkaana madaxweynaha Soomaaliya uu u diray magaalada Kismaayo si ay ula socdaan Dhuxul tiro badan oo taala hareeraha dekeda Magaaladaasi, sida ay saameynta ugu leedahay bulshada, iyo inta ay tiro la egtahay.