Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Wafdii uu horkacayo ayaa ku sugan Magaalada London xarunta Dalka Ingriiska halkaas oo ay u joogaan safaro shaqo oo dan u ah dowlada Puntland.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxay kula kulmeen magaalada London xubno sar sare oo ka mid ah xukuumada Dalkaasi, sida wasiiro ka mid ah xukuumada Dalkaasi,

Wafdiga ayaa soo gaaray London subaxnimadii maalinta Axada, waxaana madaarka dayuuradaha kusoo dhaweeyey saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Dibada (Foreign & Commonwealth Office – FCO) waxaana loo galbiyay VIP-da madaarka.

Maalinimadii shalay oo ku beegneyd Isniin ayaa Wafdiga Madaxweynaha Puntland waxaa xafiiskiisa ku yaala xarunta FCO ku qaabilay Wasiirka arrimaha Africa, Henry Bellingham iyo Wasiirka Arrimaha Horumarinta Stephen O’Brien, iyadoo arrimaha laga wada hadlay ay ka mid yihiin socodsiinta heshiiskii Roadmap-ka, arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo horumarinta dalka, iyo la dagaalanka argagaxisada iyo burcad-badeeda.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa waxaa u balansan Xildhibaano Baarlamaanka dalka UK, saraakiisha European Union-ka u qaabilsan la dagaalanka burcad-badeeda iyo khuburro dhanka arrimaha horumarinta.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa khudbo ka jeedin doona Shirka Combating Piracy Week, iyadoo uu kaga hadli doono doorka Dowladda Puntland ee la dagaalanka burcad-badeeda.

SAWIRO

Source By Xafiiska Madaxweynaha Puntland.