Degmada Carmo ee gobolka Bari waxaa goor dhoweyd soo gaaray wafdi ay horkacayan Madaxweynaha Puntland Dr C/raxmaan Faroole iyo raiisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya C/wali Maxamed Gaas, kuwaas oo ka so amba baxay Magaalada Qardho oo ay saaka soo gaareen.

Wasiirka Aminiga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Wabaahinta ayaa sheegay in Wafdiga madaxweynaha iyo raiisul wasaaraha ay ka dib kormeer ay ku sameyn doonaan xeryaha akadeemiyada Carmo u soo dhaqaaqi doonaan dhanka Magaalo Ganacsiga Puntland ee Boosaaso .

Siweyn ayaa loogu diyaar garoobayay ilaaiyo saaka Magaalada Boosaaso iyadoona ay dadweynaha magaalada boosaaso qeybahooda kala duwan ay ku suganyihin wadada dheer ee dhexmarta magaalada ilaa goob magaalada ka baxsan,

Sikastaba ha ahaatee wasiirka Amniga ayaa sidoo kale u sheegay saxaafada markii ay wafdigu gaaraan magaalada Boosaaso ay ka warbixin doonaan ujeedada safarka masuuliyiintan ay ku yimaadeen boosaaso.