Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islamka  Dalka DJibouti Xamud Cabdi Suldaan ayaa maanta kormer ku sameeyay qaybo ka mida Xarumaha Mamulka Puntland isla markaasna ay ku weheliyaan kormeerkiisa Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire  goobaha ay wafdigu booqdeen oo ay ka mid ahayeen Wasaradaha w axbarashada ,caafimaadka , aqalka Barlamaanka Puntland ,Xarunta cusub ee laga dhisayo madaxtooyada Cusub  qaybo ka mida jamacadaha ku  yaal Garowe halkaas oo ay warbixino  kaga dhagaysteen Goobaha ay booqdeen Masuuliyiintooda .

Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo isagu wafdiga Jbuuti goob walba uga warbixinayey aya aad uga mahad celiyay  in ay markii ugu horaysay ay yimadaan wafdi intaas le’eg oo ka socda jabuti deegaanada Puntland

Wasirka Awqaafta iyo Arrimaha islamka ee Dalka Jibouti Xamud Cabdi Suldan ayaa ku tilmamay goobaha ay tageen maanta sida waxbarashada kuwo laga garay hormar balaran oo la taaban karo balana  qaday in Dowlada Djibouti ay gacan ka gaysanayso sidii loo xalin lahaa Caqabadaha jira

Waxaana wafdigaan ayaa soo gaaray Magaalada Garowe maalintii shalay ahayd oo uu si rasmi ah uga furmay Garowe shirkii labaad ee wada tashiga dastuurka soomaliya  Ama Garowe labo ayna ka soo qayb galeen dhammaanaba qaybaha siyaasada soomaalida .

Filo Sawiro

Cabdi Caziiz Ibraahim Axmed (CabdiCaziiz Okey)
SBC International Garoowe