Magaalada Baydhabo Xarunta gobolka Baay waxaa maanta gaaray wafdi uu horkacayo wasiirka Difaaca Soomaaliya C/xakiin Maxamuud Fiqi waxaana ka mid ahaa wafdiga saraakiil ka tirsan ciidamada xooga dalka.

Garoonka Diyaaradaha Baydhabo waxaa siweyn ugu soo dhaweeyay Wafdigan xubnaha sar sare ee Maamulka Dowlada Soomaaliya ee Baydhabo ku sugan waxaana ka dib bilowday kulamo dhinacyo badan oo uu la qaadanayo wasiirka Gaashaandhiga Odayaasha, Waxgaradka, iyo weliba qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Wasiirka Gaashaandhiga uu ku tagay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa la rumeysan yahay in ujeedadiisa dhabta ah tahay mid qeyb ka ah safarada Dhiiri gelinta ciidamada xooga dalka ah ee uu waayadii ugu dambeeyay ku tagayay wasiirka Gaashaandhigay gobolada dalka .

Waxa uu noqonayaa safarkan kii ugu horeyay tan iyo intii lagu dhawaaqay golaha wasiirada uu ku yimaado Magaalada Baydhabo wafdi heer wasiir ah.

SBC International Muqdisho