Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ka kooban Wasiiro iyo xildhibaano ayaa saaka hirtii waa beri ka amba baxay Magaalada Muqdisho xarunta Dalka.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa siweyn loogu soo sagootiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaan ka mid ahaa sagiitinta masuuliyiintii ka qeyb qaatay madada golayaasha Baarlamanka iyo xukuumada Federaalka ah waa Raiisul wasaaraha Xukuumada iyo Gudoomiyaha Baarlamanka.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Waxa uu ku wajahanyahay dhanka magaala xeebeedka Dalka Kenya ee Nairobi halkaa soo uu kagahelay Casuumaad Madaxweynaha Cusub ee dalkaasi kenya Mr Uhuro Kenyata.

Arimaha Sidyaasada Soomaaliya iyo halka ay mareyso ayaa lagu wadaa in kulankaasi ay kaga hadlaan labada dhinac, waxaa si qaas ah farta loogu fiiqayaa ka hadalka arinta Maamulka lagu aas aasayo magaalada Kismaayo gobolka Jubada hoose maadaama ciidamo Kenyan ah ay halkaasi ku sugan yihiin dowladuna ay ka soo horjeedo Dhaq dhaqaaqyada Maamul u sameynta gobolada Juba land.

Inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin ajandayaasha kulankooda hadana waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in kulanka uu noqondoono mid laga munaaqashoodo labada ajande ee kor ku xusan .

Waxii warar ah ee ku soo kordha wararka dambe iyo AllSBC