Goor dhoweyd Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe waxaa soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamanka DKMG ah Shariif Xasan Sh Aadan.

Siweyn aya ahalkaasi loogu soo dhaweeyay waxaana soo dhaweynta ka qeyb qaatay qaar ka mid ah madaxda sar sare ee Dowlada Pntland iyo dadweyna aad u tiro badan.

Waxaa safarka gudoomiyaha ku weheliya Qaar ka mid ah xildhibaanada xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya .

Soo dhaweynta ka dib waxaa loo gelbiyay wafdiga dhanka goobaha ay ka degi lahaayeen magaalada Garoowe , waxaan alagu wadaa in ay ka qeyb noqdaan wafuuda DKMG ah ee ku sugan magaalada garowe kuwaasi oo ka qeyb galaya qeybta labaad ee Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Garoowe.

SBC INternational Garoowe