Wafdi uu hogaaminayo Raiisul wasaare ku xigeenka Dowlada Dalka Turkiga ayaa maanta ka soo degay magaaalada Muqdisho Xarunta dalka halkaas oo soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay.

Raiisul wasaaraha xukuumada FDKMG ah ee Soomaaliya iyo Xubno sar sare oo ka tirsan Xukuumada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay wafdiga Raiisul wasaare ku xigeenka Turkiga Garoonka Aadan Cade International Airport.

Ka dib soo dhaweyn iyo salaan sharaf uu ka qaatay ciidamada DKMG ah ayaa waxaa loo gelbiyay wafidiga urkishka ah dhanka iyo aqalka Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee xarunta u ah xukuumada DKMG ah .

Waxa lagu wadaa in raiisul wasaare ku xigeenka Turkiga iyo Wafdigiisa ay kulamo la qaataan madaxda sar sare ee Xukuumada FKMG ah ee Soomaaliya .

Dowlada Turkiga ayaa ah dowlad siweyn ugu gacan  siisa Dowlada FKMG ah ee Soomaaliya iyadoo la xusuusanyahay in ay ka caawisay arimo badan oo dhor ah taasina lagu tilmaami karo kuwa Saaxiibo ah.