Wafdi Katirsan Hayada Save Children ayaa gaaray magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar waxaana xafiiskiisi kulakulmay Duga Degmada Qardho Maxamad Siciid Ciise looyaqaan (Hogaame la roor )

Kulankan dhexmaray Wafdiga iyo Maamulka Degmada Qardho ayaa waxaa ay ka soo saareen kulan saxaafadeed iyagoona faah faahin ka bixiyay ujeedada Wafdigan ee gobolka.

Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid Nuur oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wafdigu ay usocdeen xoog uruurin ku aadan arimaha dadka abaaruhu wax yeeleeyeen iyo IDPs yada ku yalaa guduha magaalada Qardho.

Intaa ka dib ayaa duqu waxaa uu uga war bixiyay dadkii abaaruhu aafeeyeen iyo dadka IDPs yada xaaladooda guud waxaana uu u sheegay inay u baahan yihiin wax qabad ku aadan dhanka caafimadka oo aysan haysan waxbarasho, biyo iyo hoy ay ku noolaadaan, gebi ahaantoodna intaba ay u baahan yihiin,

Wuxuu xusay si gaar ah dadka ay abaaruhu soo bari kiciyeen oo kusoo batay gudaha magaalda Qardho kuwaasoo abaartii udanbasay ku xoolo beelay qaybtoodna ay u harsan yihiin waxaan noloshooda ku filanayn, dhamaan dadkaas dhibaataysan ee ku jira kaamanka qaxootiga ku yaala gudaha magaalada Qardho loo baahanyahay in ay gar gaar u fidiyaan hay’adaha UN-ka iyo Kuwa Caalamiga ah.

Waftiga iyo Maamulka Degmada oo Wadajira ayaa sidoo kale Kormeer ku tagay goobo ay ka mid yihiin goobaha ay degaan dadka Tabaaleysan ee ku dhaqan Magaalada Qardho halkaas oo ay kula soo kulmeen dadka ku jira.

Intaa ka dib waxaa xusid mudan waxaa waftiga cadaanka ah ka mid ahaa suxufi ka tirsan laanta BBC-da World Service oo u qaabilsan xog ururinta Save Children UK.

DAAWO SAWIRADA


Maxamuud C/Laahi Faarax
SBC International Qardho