Wafdi Balaaran ayaa soo gaaray caasimada dawlad Goboleedka Galmudug kaasoo ka socday Ururka qaramada midowday gaar ahaan Xafiska Siyaada Somaliya ee UNPOS oo uu hogaaminayey ku xigeenka qaramada Midoway ee arrimaha Somaliya iyo Xubno kale waxaana wafdigaasi ku waheliyay wasiirka iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cumar suuri.
 
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey ku xigeenka qaramada midowday ee arrimaha Somaliya Cristian Manahl iyo Xubno kale oo ku weheliyay safarkiisa Magaalada Gaalkacyo waxayna kulamo la qateen Madaxwaynaha Galmudug kornayl Maxamed Axmed Caalin iyo madaxwayne ku xigeenka C/samad Nuur Guuleed iyo Xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada, inkastoo aan saxaafada loo ogalayn in kulankaasi ay goob joog ka noqdaan

markii uu soo gabagaboobay kulankaasi ayaa si wada jir ah waxaa uga warbixiyay madaxwayne caalin isagoona sheegay in kulanka ay la yeesheen masuuliyiinta wafdigaasi uu ku saabsanaa arimaha Galmudug iyo guud ahaan arimaha soomaaliya waxuuna tilmaamay in galmudug ay taageersantahay ka shaqaynta nabada lagu raadinayo ee soomaaliya.
 
Ugu danbayntii Wafdiga uu hogaaminayey ku xigeenka qaramada midowday ee arrimaha Somaliya Cristian Manahl ayaa isaguna ka warbixiyay arimaha ay ka wada hadleen maamulka Galmudug waxuuna ugu horayntii ka mahad celiyay soo dhawaynta Galmudug oo ka dhacay Hotel Empassy waxuuna sheega in kulanku uu ku saabsanaa shirarkii ka dhacay Nairobi iyo Kanbala kaas oo ay ka qayb galeen Dhamaan Madaxda Somalida iyo Maamulada ka jira soomaaliya iyo Shirka wada tashiga ah ee Somaliya oo dhacaya bisha ramadaan ka hor kaasoo looga tashanayo arimaha dalka soomaaliya.
 
liibaan c/laahi faarax qaran
SBC International Gaalkacyo
libaanqaran10@hotmail.com