Wafdi Balaaran oo maalmihii ugu daneeyay laga sugayey Magaalada Garoowe ee caasimada dawlad Goboleedka Puntland  oo ka socday qaramada midoway gaar ahaan Xafiska Siyaada Somaliya ee UNPOS oo uu hogaaminayey ku xigeenka qaramada Midoway ee arrimaha Somaliya iyo Xubno ayaa saaka soo gaarey magaalada Garoowe.
Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey ku xigeenka qaramada Midoway ee arrimaha Somaliya Cristian Manahl iyo Xubno kale oo ku weheliyay safarkiisa Magaalada Gorowe  waxay kulamo la qateen Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed (Faroole)  iyo Xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada,  inkastooo aan saxaafada loo ogalayn in kulankaasi ay goob ka noqdaan.
Laakiin warar SBC ay ka heshay sarakiil ka tirsan Madaxtooyada  kulankan arimha ugu badan looga hadlayo ay ugu waa weyn yihiin  shirarkii ka dhacay Nairobi iyo Kanbala kaas oo ay ka qayb galeen Dhamaan Madaxda Somalida iyo Maamulada ka jira dalka, Sidoo kale waxa qayb ka aha Wafdigaan oo ay kala wada hadlayeen Shirka wata tashiga ah ee Somaliya lagu qaban doono sida laga yeelayo oo  horayna madaxawayanah puntland u sheegay in wali tashi ku jiro halka lagu qaban doono.

C/naasir Yaasiin Salaad
SBC International Garoowe