Wafdi ka socad Dowlada Puntland ayaa maanta gaaray Tuulada Qarxis ee Gobolka Nuugaal halkaas oo ay maalmihii la soo dhaafay ka jireen tuhuno ay muujinayaan dadka deegaanka oo sida la sheegay ku aadaneyd in siyaasiyiin ka tirsanaa Puntland ay dadka halkaasi ka dhaadhiciyeen arimo ku aadan in deegaanka la keenayo kooxo macdan baarayaal ah.

Wafdiga ayaa halkaasi waxa ay kulamo kula qaateen dadweynaha iyo waxgaradka odayaasha deegaanka iyagoona kala hadlay in si qaldan wax loogu shegay islamarkaana aan aheyn sida wararka loo dhigay balse ay tahay waxa ay ku timi dhacdadan marki la dareemay in howlo wada sameyn laga wado deegaanka .

Waxay sheegeen in dadka deegaanka in sida loogu sheegay ay ahayd in deegaankoodu laga fulinayo howlo macdan baaris balse ay iminka ka jaahil bexeen markii loo sheegay in la wado qorshaha sameynta wado isku xirta degmada Eyl iyo Magaalada Garoowe.

Wafdiga Dowlada Puntland ee Gaaray Qarxis maanta waxaa ka mid ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Police-ka Puntland Muxyadiin Axmed Awmuuse, Agaasimaha guud ee Wasaarfada Arimaha gudaha C/laahi Siciid Awyuusuf iyo weliba Xubno kale .

C/laahi Siciid Awyuusuf ayaa u xaqiijiyay warbaahinta in arimaha loo sheegay dadkaasi ay ahaayeen kuwo been ah islamarkaana deegaanka laga wado dhisida wado balaaran oo isku xiridoonta deegaanka Eyl iyo weliba magaalada Garoowe

Sikastaba ha ahaatee arimahani ayaa waxay ku soo aadayaan xili sida laga sii daayay warbaahinada qaar ay banaan baxyo ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah dadweynaha Tuulada Qarxis oo iyagu sheegayay in ay ka soo horjeedaan Macdan baaris laga sameynayo deegaankooda, inkastoo taasi ay iminka beenowday.

Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe .