Wafdiga heerka sare ah ee ka socda Maamulka Khaatumo State oo maalmahan ku sugnaa magaala madaxda dalka Uganda ee Kampala ayaa waxaa casho sharaf loogu sameeyey mid kamid ah Hotelada magaalada oo lagu magcaabo Serena Hotel.

Wafdiga oo ay ka kamid yihiin Isimo iyo madaxda Maamulka ayaa waxaa sidoo kale ku weheliyay Safarkooda Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Pro. Cali Khaliif Galaydh iyo wasiirkii warfaafinta ee Xukuumadii Farmaajo  Cabdi Kariim Jaamac.

Kulanka oo ahaa mid ay isugu yimaadeen waxgaradka, Aqoonyahanada, Culumaa’udiinka, iyo Ganacsatada Beelaha Harti ee degan dalka Uganda ayaa waxaa la isku dhaaftay aragtiyo badan oo dhamaantood ku biyo shubanaya sidii sidii looga shaqayn lahaa Midnimada Beesha.

Caaqilka Beesha Harti ee dalka Uganda Caaqil Daahir Axmeddiini Jaamac oo ugu horayn halkaas ka hadlay ayaa soo dhoweeyey wafdiga ka socda Maamul goboleedka Khaatumo State ee booqashada ku yimi Uganda, waxana uu uga warbixiyay sida Jaaliyada Beesha Harti ee Uganda ay isugu xiranyihiin isla markaana ay uga shaqayaan danaha Umadooda.

Madaxwaynaha Maamul goboleedka Khaatumo State Cabdi Nuur Cilmi Qaaje (Biindhe) oo halkaasi ka hadlay ayaa meesha ka saaray warar uu sheegay in laga faafiyay maamulkiisa oo ahaa in Maamulka khaatumo oo ka shaqaynayo burburinta Beesha Harti, Waxana uu meesha ka saaray in Warkaasi uu yahay waxba kama jiraan isagoona sheegay in uu ka shaqaynayo sidii dadka walaalaha aan Colaad loo dhex dhigin.

Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur oo isna halkaasi ka hadlay ayaa u mahad celiyay dadkii kasoo shaqeeyey xafladan quruxda badan, waxana uu Amaan usoo jeediyay Jaaliyada ku dhaqan dalkan Uganda oo uu sheegay in ay si fiican isugu xirantahay.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa hadal kooban ka jeediyay Ra’iisal wasaarihii ee DKMG ah ee Soomaaliya Pro. Cali Khaliif Galaydh oo ku booriyay Jaaliyada in ay isku doobni muujiyaan isla markaana ay ka shaqeeyaan danaha guud ee dadkooda.

Dhinaca kale waxaa halkaas isna hadalo ka jeediyay Ganacsade Cabdulaahi Yuusuf Aw Cilmi oo ah Wakiilka Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee dalkan Uganda, Waxana uu ka hadlay sida loogu baahanyahay in wax laga qabto Dhibaatooyinka ka jira Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo uu sheegay in Beesha Caalamku ay 20 sano iyo inkabadan ay u aqoonsatay goboladaas Dhul la isku haysto, taas oo uu sheegay in ay caqabad ku noqotay Gargaarkii la gaarsiin lahaa dadka goboladaas ku dhaqan.

Gebagebadii Xafalada ayaa waxaa Erayo Duco ah kusoo Gunaanaday Ugaas Cabdulaahi Ciise Nuur, isagoona ilaahay uga baryaya in dadka walaalaha ah uu Isjacayl dhex dhigo, Waxayna  Xafladu kusoo dhamaatay Jawi farxadeed.
Loading……..









Mohomed Yamani
SBC International Uganda