Wafdi balaaran oo ka socda wadanka Liibiya ayaa socdaal shaley galinkii dambe ku tagey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaasi oo kulamo kala duwan la qaatey masuuliyiinta dawlada KMG oo uu ugu horeeyo madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminayey Cabdinaasir Mansuur ah oo ka mid ah masuuliyiinta golaha qaranka KMG ee Liibiya oo xiligan dawlad ahaan u matalaya dalka Liibiya.

Xarunta madaxtooyada ayaa waxaa wafdigan ku qaabilay madaxweynaha dawlada KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wada hadley arimo kala duwan oo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaaliya & Liibiya, isbadaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay Liibiya & Soomaaliya iyo sidii loo sii ambaqaadi lahaa wanaajinta xiriirka labada dal.

Masuul ka tirsan xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ayaa u sheegay SBC in wafdiga Liibiya ay uga mahadceliyeen madaxweyne Sheekh Shariif aqoonsigii dawlada KMG ay siisey xukuumada KMG ee Liibiiya, waxaana uu soo gaarsiiyey Madaxweyne Sheekh Shariif dhambaal uu uga sidey Hogaamiyaha golaha qaranka KMG Liibiya Mustafa Cabdi Jaliil.

Sheekh Shariif ayaa isaguna shacabka Liibiya ku amaanay uguna hambalyeeyey sida uu sheegay inay iska qaadaan dhibaatadii haysatey.

Wafdigan Liibiya ka socda ayaa ah kii ugu horeeyey ee yimaada magaalada Muqdisho tan iyo markii qulqulatooyinka iyo dagaaladu ka bilowdeen dalka Liibiya isla markaana uu ku geeriyoodey hogaamiyihii Jamaahiyada Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi.

DAAWO SAWIRADA

Axmed Aar
SBC Muqdisho
ahmedaar@live.com