Wafdi ka socda Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku soo fool leh magaalada Garoowe xarunta Maamulka Puntland kaasi oo ka qeyb galaya Xiritaanka Shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka Puntland.

Wafdigan oo uu horkacayo Wasiirka ganacsiga DKMG ah ee Soomaaliya Ahna Raiisul wasaare Xigeen C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa maanta ka Degay Magaalada  Gaalkacyo xarunta Gobolka Mudug iyagoona u soo kicitimay Dhanka Magaalada garoowe xarunta Puntland.

Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa goob joog ka noqonaya Gabagabada shirweynaha Ansixinta Dastuurka Puntland oo lagu wado in maalinta Arbacada ah ee beri ku beegan uu soo lagu dhawaaqo ansixintiisa.

Maalinta Berito ah ayay ugu buux sameysaa 4 maalin oo loo fadhiyay Shirka lagu Ansixinayo Dastuurka Puntland kaasi oo ay ka qeyb qaadanayeen dhinacyo farabadan, waxaana lagu wadaa in berito la soo gaba gabeeyo .

SBC International Garoowe