Magaalada marka xarunta gobolka Shabeelaha hoose waxaa maanta gaaray wafdi balaaran oo heer wasiir ah kuwaas oo ka socda dowlada federaalka Soomaaliya.

Wafdiga tagay marka ayaa wasiirada ku jira waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya ahna Sii hayaha Xilka Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Shiikh Xasan Xaamud iyo Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Ujeedka Wasiiradan ay u gaareen magaalada Marka xarunta gobolka Shabeelaha hoose waxa ay tahay in ay ka qeyb qaataan waan waanta ka dhex socota labada beel ee ku dagaalamay Marka kuwaas oo mid ka mid ahi duulaan ku tahay Gobolka.

Waxaa gobolka ku sugan gudi Dowlada federaalka Somalia u xilsaartay in ay ka shaqeeyaan xiisada colaadeed ee sababtay isku dhaca taas oo ka dhex taagan beelaha isku hor fadhiya afaafka magaalada Marka iyo qeybo kale oo ka tirsan gobolkaas.

Dadka falan qeeya siyaasada guud ee dalka ayaa ku tilmaamay dagaalka ka socda Marka in uu yahay mid ay ku lug leedahay dowlada federaalka Soomaaliya, maadaama beel aan deegaan ahaan ku laheyn gobolkaasi ay dagaalka qeyb weyn ka yihiin, waxaana warbaahinta dalka ka dhex muuqda aqoon yahano Soomaaliyeed oo cambaareyn dagaalkaas ugu jeedinaya Dowlada iyo mid ka mid ah beelaha dagaalamaya.