Wafdi balaaran oo ka socda dawlad goboleedka Puntland ayaa maanta ka ambabaxay magaalooyinka Garoowe, Boosaaso & Gaalkacyo kuwaasi oo qayb ka noqonaya wafdi ka socda Puntland uuna hogaaminayo Madaxweyne Faroole oo dalka Turkiga uga qayb galaya shirka dhinacyada siyaasada iy dhaqanka Soomaalida ee Jimcaha ka furmaya magaalada Istanbul.

Wafdigan ayaa waxaa qaaday diyaarad ay u soo dirtey dawlada Turkiga waxaana ay isku martey magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso iyadoo markii dambe ku degtey magaalada Garoowe halkaasi oo ay si wadajir ah uga ambabaxeen wafdigan 40 qof kana socdey Dawlada, Issimada, Ururada bulshada & Ganacsata.

Wafdigan wuxuu ka kooban yahay 20 Issin oo ay ka mid yihiin Issimada ugu caansan deegaanada Puntland, shan xubnood oo dalwada ka socda, 10 xubnood oo Ganacsatada ka socda iyo shan xubnood oo ka socda ururada bulshada.

Wafdigan waxay caawa u hoyonayaan magaalada Jibuuti halkaasi oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo xubno ka mid ah golahiisa wasiirada waxaana maalinimada beri ah wadajir halkaasi uga ambabixi doonaan iyadoo ay qaadayso diyaarad weyn oo ay leedahay dawlada Turkiga, iyadoo sidoo kale diyaaradan horey u soo qaadi doonto wafdi kale oo ka socda maamulka Galmudug oo uu hogaaminayo madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Axmed Caalin.

Madaxweyne Faroole waxaa ku wehliya wafdiga Puntland ee Jibuuti ku sugan wasiirada Arimaha gudaha C/laahi Ilka-jiir, Waxbarashada Dr.Cabdi Siciid Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan madaxtoyada.

Gegida dayuuradaha Garowe ayaa galabta 30 May,2012 waxa ka duuley xubnihii Puntland uga qaybgali lahaa shirka Istanbul waxana ka hor diyaaradu soo martey Galkacayo iyo Bosaso oo ay dad ka soo qaadey.

Nuqul ka mid ah Liiska xubnaha wafdiga Puntland ee maanta ka ambabaxay magaalada Garoowe ayaa sidan u qornaa.

Isimmada Puntland

1-Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan

2- Suldaan Siciid Maxamed Garaase

3-Garaad Maxamed Cilmi Shirwac

4-Suldaan Bashiir Muuse Konte

5-Suldaan Maxamed Cabdilaahi

6- Suldaan Siciid Maxamed Irbad

7-Ugaas Cabdiraxman Nuur Faarax

8-Suldaan Muuse Faarax

9-Boqor Cabdulaahi Maxamuud Cali

10-Suldaan Cabdilaahi Axmed Nuur

11-Caaqil Maxamuud Xasan  Cumar

12-Ugaas Cabdiqani Geele Maxamed

13-Ugaas Cabdiqaadir Cilmi Xirsi

14-Islaan Haashim Islaan Maxamed

15-Suldaan Khaalid Abshir Saalax

16-Garaad Cabdulaahi Cali Ciid

17-Ugaas Cabdikariin Nuur Faarax

18-Suldaan Cabdilaahi Saalax Jeenicad

19-Suldaan Jamaal Cabdi Ducaale

20-Suldaan Cabdilsaan Shiikh Maxamuud

Xubnaha Dowladda

1-Dr.Daa’ud Maxamed Cumar

2-Maxamed Faarax Ciise Gaashaan

3-Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad

4-Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdule

5-Xildhibaan Sheebe Shiikh Maxamuud

Ganacsatada

1-Maxamuud Xayir Ibraahim

2-Maxamed Caydiid Jaamac

3-Yuusuf Cali Biixi

4-Ismaaciil Cabdisalaan Warsame

5-Maxamed Muse Axmed

6-Ismaaciil Axmed Dayib

7-Cabdilatiif Yuusuf Barre

8-Cabdirisaaq Siciid Faarax

9-Fowsiyo Ciise Cumar

10-Maxamuud Nuur Cilmi

Xubnaha bulshada rayidka

1-Nuur Maxamed Nuur

2-Mahdi Cali Cismaan

3-Cabdinaasir Yaasiin Salaad

4-Cabdirisaaq Hiirad Maxamed

5-Jaamac Saalax Maxamed

SBC ayaa ogaatey in dadaal dheer wasaarada arimaha dibada Turkiga gaar ahaan wasiirka arimaha dibada & safiirka Turkiga ee Itoobiya ay qaadeen 48-kii saac ee ugu dambeeyey dadaal aad u xoogan oo ay ku guuleysteen inay ku qanciyaan maamulada Puntland, Galmudug iyo Ahlu-Sunna-Waljameeca inay ka qayb galaan shirka Istanbul, isla markaana ay ka qayb qaataan geedi socodka nabada Soomaaliya, iyadoo shirkaasi ay sidoo kale ka qayb galayaan wafuud ka socota Dawlada KMG Soomaaliya, Odayaal dhaqameed, Ururada Bulshada Rayidka ah, & wafdi ka socda Somaliland oo isagu jira Heer wasiir iyo ururada bulshada Rayidka.

SBC News Desk