Wararka deg dega ah ee naga soo gaaraya magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi ay soo gaareen daqiiqado ka hor Wafdi balaran oo uu horkacayo Raiisul wasaaraha dowlada KMG ah ee Soomaaliya Dr C.weli Maxamed Cali Gaas iyo weliba qaar ka mid ah Masuuliyiinta ugu Sareysa Dowlada Puntland sida Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole.

Dadka degmada Qardho ayaa u sameeyay Raiisul wasaarada iyo Wafdigiisa Soo dhaweyn balaaran iyadoona lagu wado in uu kula hadlo dadka xarumaha dowlada ee Magaaladaasi.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in raiisul wasaaraha iyo wafdigiisa iyo malsuuliyiinta Puntland in ay booqasho ku tagaan Magaalada Boosaaso Xarunta ganacsiga Puntland halkaas oo siweyn loogaga sugaayo.

Waxii ku soo kordha safarka Raiisul wasaare Gaas ee Boosaaso kala soco wararkayaga dambe