Waxaa dib u howlgalay maanta wadooyin waaweyn oo magaalada Muqdisho ku yaala kuwaas oo ay xirteen mudo 4 maalin ku siman ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya.

Maanta ma jirin ciidan wadooyinkaas ku sugan celinayana dadweynaha dhaq dhaqaaqa ganacsi iyo gaadiid sameynaya, marka laga reebo ciidamada laamaha wadooyinka .

Dadweynaha ayaa iyagu dib u bilaabay dhaq dhaqaaqyadii caadiga u ahaa iyagoo isla saakayba ku dhaqaaqay dib u furista goobo u badan meherado laga cunteeyo oo wadooyinkaas hareeraheeda ku yiilay,

Gaadiidka dadweynaha ayaa iyana dib uga shaqo galy wadooyinkaa, waxaana siweyn u soo dhaweeyay dib u furista wadooyinkan dadweynaha magaalada maadaama ay laf dhabar u ahaayeen isku socodka dadka iyo gaadiidka dadweynaha.

Waxaa loo xiray wadooyinkan ka hor 4 maalin markii ay heleen ciidamada Amaanka qorshayaal ay sheegeen in lagu dhibaateynayo bulshada rayidka ah islamarkaana ay ka hortag u tahay waasida ay saxaafada ka shaaciyeen saraakool laama ciidamada amaanka ah.

Sikastaba ha ahaatee Xirnaanshaha wadooyinkan ayaa dhaliyay ka hadal iyo saameyn heer baarlamaan ah waxaana lagu soo joojiyay baarlamanka hortiisa madaxweynaha Dowlada Federalka Soomaaliya isagoona faah faahin ka bixiyay.

SBC International Muqdisho.