Dawlada KMG Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday amar ku aadan sugida amaanka oo wadooyinka magaalada Muqdisho looga mamnuucayo hubka in lagu dhexqaato.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in Ciidammada hubka ay ku dhex qaataan gudaha wadooyinka magaalada Muqdisho si loo meel mariyo dadaalada lagu soo celinayo ammaanka Caasimadda.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax Qaranka ayaa shaaca ka qaaday in wixii ka dambeeya maalinnimada Beri oo taariikhdu ay ku beegan tahay 28ka bisha August ee sanadkan 2011 aanay jiri doonin Askari hub ku dhexsita magaalada Muqdisho wadooyinkeeda.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in Askarigii guta waajibaadkiisa ee doonaya in uu danihiisa gaarka ah magaalada kasoo fushado la doonayo si uu magaalada usoo aado in hubkiisa uusoo dhigto xerooyinka ciidammada taasina ay ciidanka u xilsaaran sugidda amniga magaalada u sahli karto inay howshooda gutaan.

Axmed Aar
SBC Muqdisho