Wafdi heer wasiiro ah ayaa maanta duhurnimadii gaaray Magaalada Kismaayo xarunta gobolka Jubadda hoose halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.,

Wafdigan oo ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah wasiirada Gaashaandhiga, Arimaha Gudaha, Dalxiiska iyo saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada Somalia.

Masuuliyiinta Maamulka Kumeelgaarka ah ee gacanta ku haya magaalada Kismayao ayaa ku soo dhaweysay wafdiga garoonka diyaaradaha magaaladaas iyadoo ka dib soo dhaweyn loo gelbiyay gudaha magaalada halkaas oo ay ka guda galeen howlihii kormeer ee ay u tageen magaaladaas.

Wafdigan waxa uu u socdaa booqasho iyo kormeer ku aadan xaalada Magaalada kismaayo iyo howlaha dowlada ka soconaya magaalada iyo gud ahaan gobolka.

Waxii faah faahin ah ee ku soo kororta safarka wafdigan kala soco wararka dambe.