Sida ay nagu soo gaarayaan wararka ka imanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa lagu kala kacay wada hadalkii ugaga socday magaaladaas wafuud ka kala socota Ahlusunna waljamaaca iyo Dowladda Federaalak Soomaaliya.

Wariyaha SBC ee gobolka Galgaduud ayaa soos heegaya in ay u muuqdaan kuwo soo soo afjarmay wada hadaladii u dhexeeyay DFS iyo Ahlusuna, ka dib saacado badan oo la isku mariwaayay Shuruudo ay Ahlusunna hor dhigtay dowladda federaalka Soomaaliya.

Inkastoo weli aaney la hadal saxaafada labada dhinac ee uu shirkoodu fashilmay ayaa hadana waxaa soo baxaya in qodobada la isku mari waayay ay ka qeyb ahaayeen kuwo ay Ahlusunna shuruud ahaan u hor dhigtay dowladda federaalka Soomaaliya kuwaas oo ay ku doonayeen in ay ku sixiixaan heshiiska.

Dhageyso wareysi aan la yeelanay Wariyaha SBC ee Galgaduud Maxamed C/laahi tooxoow.