culimoKa dib shir mudo sadex bari ah Garowe uga socday culumada Ictisaam ayaa waxay ka soo sareen bayaan 10 qodob ka kooban  waxaana ay sheegen in  allaah ha u naxariiste Sheikh C/qaadir Nuur Faarax ay dileen kooxda Allshabaab iyagoona uga digay qabailka Somalida aysan taageerin  shaqsiyaad ka tirsan Xarakada Allshabaab .

Sidoo kale  waxaa ay ku celiyeen markale in la qabto shir kale oo umada Somaliyeed uga
arinsanayso ka hortaga Alshabab oo ay sheegen in ay dhibaato badan ku hayaan umada Somaliyeed .

Waxaana ay cadeeyeen  in uu been yahay  jahaadka ay sheegan in ay ku jiraan Alshabab
Shir saxafadeed culuma awdiinku ku qabteen jaamacada bariga africa faraceeda Garoowe ayaa waxaa warabaahinta u akhriyey bayaanka culumadu soo saartay sheikh  Axamed Cabdi samad ayey ugu horayn ugu mahad celiyeen maamulada Puntland Somaliland iyo dowlada federalka ah ee Somaliya doorka muhiim ka ah ee ay ka qaateen aaskii alle ha u naxariiste  c/qaadir nuur faarax  

Waxaana ay Puntland  iyo Somaliland uga mahad celiyeen sida ay gacanta uga gaysteen dadkii ka dambeyey dilka  waxaana ay si kulul ugu eedeyeen  Xarakada shabab in ay musuul ka ahaayeen

Tan iyo markii la dilay sheikh C/qaadir Nuur Faarax waxaa soo baxayey cambaarayn umada somaliyeed u jeedinayeen xarakada shababa oo la sheegay in ay ka dambaysay.

4 1 2 3

 Maxamed Siciid Yuusuf
SBC International Garoowe