Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa caawa ilaa iyo maanta ah mid degan waxaana hirgashay xabad joojin ay ku baaqeen waxgaradka & cuqaasha deegaanka, kuwaasi oo kala kaashaday maamulka gobolka, kan degmada & taliska ciidamada Booliiska.

Xabad joojintan ayaa saaka hirgashay waxaase xaaladu ay mar faraha ka bixi laheyd ka dib markii saaka la dilay taliyihii ciidamada daraawiishta Puntland ee gobolada Mudug & Cayn G/lle Sare Maxamed Muuse Ilka-dheere.

Xabad joojintan oo ay sidoo kale ku baaqeen waxgaradka, culuma’udiinka, aqoonyahanada, qaybaha bulshada & waliba madaxda dawlada KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa si weyn isagu hawlay beelaha gobolka dega gaar ahaan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo ka codsadey dhinacyada dagaalamaya inay ka joojiyaan dagaalka dadka shacabka ah & maatada.

Warar SBC ay ka heshay ilo wareed oo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in masuuliyiinta dawlada & kuwa gobolka ay dalbanayaan in loo soo gacan galiyo maleeshiyaadka ka dagaalamaya xaafada Garsoor ee aan u dhalan gobolka taasi oo ah mid ay dawladu tuhun ka qabto inay ku lug leeyihiin dagaalka dad aan u dhalan gobolka, iyadoo sidoo kale dalbanaya in la kala diro maleeshiyaadka ka soo jeeda gobolka ee xaafada ku sugan isla markaana odayaasha deegaankaasi ay damaanad qaadaan arintan.

Hase yeeshee wararku sheegayaan in duqeyda beesha u badan xaafada ay ku doodayaan inaanay jirin maleeshiyo dool ah oo aan gobolka u dhalan oo ku sugan xaafada waxaana ay ku doodayaan in arintaasi cadeyn loo helo, isla markaana laga bixiyo raali galin & magdhwo sida ay ku doodayaan duulaanka dawlada ee xaafada Garsoor.

Guud ahaan xaalada ayaa lagu balamay in ay noqoto mid degan oo gacanta lagu qabto, isla markaana aan lagu xadgudubin xabad joojinta, waxaana lagu balansan yahay maalinimada beri inay kulan isago yimaadaan wakiilada ka socda dhinacyada ku lugta leh colaada waqooyiga Gaalkacyo.

Sidoo kale Issimada gobolka ayaa maalinimada beri ah waxay isagu imaanayaan kulan ku aadan sidii looga gudbi lahaa colaadan iyadoo la filayo in kulankooda ka soo saareen go’aamo la xiriira sidii cid waliba u qaadan laheyd wixii masuuliyad ah ee ay ku leedahay colaada Gaalkacyo loogana wadashaqeyn lahaa inaanay dib dambe xabad uga dhicin magaalada oo aan lagu dul dagaalamin dadka shacabka ah.

Inkastoo maanta ay xaaladu deganeyd oo aanay jirin wax dagaalo ah hadana waxaa farta wadnaha lagu hayey inay dagaalo dhacaan maadama ay is horfadhiyaan wali dhinacyadii dagaalamayey, iyadoo sidoo kale goobaha waxbarashada & ganacsiga ay maanta ku jireen hakad.

Dugsiyada waxbarashada maadiga & tan diiniga ah ayaa maanta gabi ahaanba xirnaa waxaa sidoo kale gaabis ku socdey isu socodka gaadiidka & ganacsiga suuqa, iyadoo sidoo kale ay jireen dad wali ka maqan guryahoodii oo ku yiil goobaha lagu dagaalamay, kuwaasi oo ka cabsi qabey in xaaladu ay faraha ka baxdo maadama aanay cago adag ku taagneyn xabad joojintu oo ay xili kasta isbadal dagaal uu imaan karo taasi oo ku saleysan inaan laga gaarin xal arimihii dagaalka horseeday.

Deeqo Nuur Faarax (Bilan)
SBC International Gaalkacyo