Wasiire ku xigeen Wasaarada Maaaliyada DFS Ahana Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim oo shalay Soogaaray magaalda Bosaso ee xarunta Gobalka Bari ayaa kormeer ku tagay Xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha Dowladda Puntland ee Ku yaala Magaalada Bosaso sida Garoonka diyaaradaha iyo Dekedda weyn ee magaalada Guriga Gobobolka Maxjarada Ku yaala Bosaso,Xarunta Rugta Ganacsida Puntland

Wasiir ku xigeen Maaliyada Dawlada Soomaliya Mudane Xayir oo ugu horeyn booqday Garoonka diyaaradaha ee Bosaso oo uu ka Socdo dhimaha Cusub ee Garoonka Caalamiga ah ayaa warbixino ka dhagaysay inta uu kusugnaa Garoonka Maraayaha Airporka Bashiir Muuse Cabdiraxmaan Waxana uu sheegay in shaqadu Ay marayso Meel Wanaag san Dhamaadka Sanadkana uu Dhamaanayyo Wajiga Koowaad ee Airporka,

Sida oo kale waxaa Wasiirka Faah faahin dheerada ka siiyeyy Meesha Shaqada Ay marayso Shaqada Airporku Madax Shirkada Dhisaysa Airporka China Civil Engineering Constraction  Corporation (CCECC) Waxana ay sheegeen in ay Dhismihii Air Porka Sifican Ugu Guulaysteen Meel Fiicana Uu maraayo Sida ugu Dhaqsaha badana ay Rajaynayaan in Ay Soo Afjaraan Wajiga Hore Dhamaadka sanadka,

Booqashada Airporka Ka Dib Wasiirka ayaa Waxa uu Booqday Guriga Gobolka Waxana Kusoo Dhoweyey Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf maxamad Wacays Dhedo Iyo Ku Xigeenkisa Mudane Ahmed Ciri Waxana uu uga Bahad Celiyey Booqashadiisa Taariikhiga ah ee uu Ku Maraayo Gobolka Bari

Wasiirka iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Waxay Booqasho Ku aadeen Dekeda Weyne ee Magaalada Bosaso waxaana ku Soo Dhoweyey Wasiirka Wasaaradda Dekedaha,Gaadiidka badda iyo La-dagaalanka Burcadbadeeda Mudane Cabdullaahi Jaamac Saalax Booqashada iyo Indha Indhaynta Ka Dib ayuu Wasiirku uga Warbixiyey Dekeda Bosaso oo Ah Insha Dhaqaalaha Puntland Waxana uu sheegay Marka hore in uu Uga mahad Celinayo Booqashada Wasiirka uu Ku yimaaday dekeda marka Xigana Waxa uu sheegay in Dekeda Boosaso Shaqada Ganacsi ay usocoto Si wanagsan Mardhowna La Balaarin Doonan Dekeda Qorshe heediina Gacanta Lagu Hayo,

Booqashada Dekeda ka Dib Wasiirka iyo Wafdigii Lasacday ayaa waxa ay soo indha Indhayyeen Wadooyinka Cusub ee Magalada Bosaso Sida Wada Sodonka oo ah Wado Cusub oo Dhowaan la Dhisay iyo Wadooyin kale oo Muhiim ah

Ka Dib Wasiirka ayaa Waxa uu Booqday Maxjarada Bosaso oo ay Ku jireen Xoolo badan Waxana uu Maxjarka kula Kulmay Ganacsatada Xoolaha Dhoofisa iyo Dhakhaatiirta Maxjarada waxana ay uga warbixiyeen Maxjarada Sida ay ushaqaynayaan iyo Sida Ay shaqada Xoola dhoofintu usocoto Waayadan Danbe Waxayna usheegeen in ay Xaalada Shaqada ay aad usarayso Xoolaha ugu Badana ay hada u Raraan Dubai iyo Oman,

Intaas Ka Dib waxa uu Ku soo Dhoweyey Wasiir Xayir Ugu Horayna Waxa uu uga Mahad Celiyey Sida Wanaagsan ee ay Udhooweyeen Guud ahaan Madaxda Puntland Iyo Gaar ahaan Madaxda Gobolka Bari oo Uu mudo Lasoo Shaqayn Jiray

Daawo sawirro

HAYIR-009 HAYIR-060 HAYIR-043 HAYIR-038 HAYIR-036 HAYIR-034 HAYIR-020

 

HAYIR-114 HAYIR-124 HAYIR-162 HAYIR-167 HAYIR-271 HAYIR-315 HAYIR-334 HAYIR-400 HAYIR-439 HAYIR-449 HAYIR-529 HAYIR-558 HAYIR-580 HAYIR-600 IMG_0712 IMG_0730 IMG_0811 IMG_0850 IMG_0932