Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boosaaso ayaa waxay Maanta  soo Bandhigey waxyaalo ay ku sheegen inay ahaayeen kuwa qarxa iyo hub in  lagu layn jiray Dadka Sida ay hadalka u dhigeen Masuuliyiinta Laamaha Amaanka ee Puntland.

Goobta lagu soo bandhigay waxyaalahaas ayaa waxaa ka hadlay oo ka war bixiyay Taliyah Qaybta Gobalka Bari Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) waxaana uu sheegay in ay soo qaybteen waxyaalahan isugu jira alaabta laga sameeyo qaraxyada iyo hubka ay ka mid yihiin Baskoolado iyo Baaruuda Qaraxda

Qalabka Qarxa iyo Hubkan ay soo bandhigeen Ciidamada Amaanka ee Boosaaso ayaa waxaa la soo qabtay 10-ka Bishan March iyadoo lagu soo qabtay Howlgal ay ciidamada ka sameeyeen Guri ku yaala Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Cismaan Afdalow ayaa sheegay in guriga ay ka soo qabteen uu yahay Mid ay leeyihiin dadka deegaanka islamarkaasina ay ka kireysteen Dadkale kuwaasi oo ka sii kireeyay Dadkan alaabtan sameyn jiray oo ciidamada aysan sheegin inay soo qabteen iyo inkale

Hubkan iyo waxyaalahan qarxa ee Ciidamada amaanka ay soo bandhigeen ayaa waxaa ay Maamulka Puntland ku eedeeyeen inay lahaayeen Xarakada Alshabaab inkasta oo aysan jirin war rasmi ah oo xarakada ay ku sheegatay in qalabkaas ay iyadu Leedahay

Goobta lagu soo bandhigay waxaa joogay Wasiir ku xigeenka Amaanka Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed oo sheegay in uu uga mahadcelinayo Ciidamada amanaka ee howlgalka sameeyay islamarkaasna gacanta ku soo dhigay Qalabkan oo ah mid waxyeelo loogu geysan jiray Dadka reer Puntland sida uu hadalka u dhigay wasiir ku xigeenka

Wasaarada Amniga Puntland ayaa sheegtay in hubka ay hayaan ay ku jiraan hubkii loo adeegsaday Dilkii Eebe ha u naxariistee  Dr.Axmed Xaaji C/raxmaan kuwaasi oo dhamaan ah kuwa laga soo qabtay Guriga oo ku yaala Mid ka mid ah Xaafadaha Boosaaso

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland C/Jamaal Cismaan Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Puntland inay ka shaqeeyaan Adkeynta amaanka isaga oo si gaar ah u xusay in qof kasta oo deegaankan ku nool uu u baahan yahay Nabada lagana rabo inuu ilaashado Nabadiisa.

FILO SAWIRADA GOOR DHOW

SBC International Monitoring