Laba nin oo walaalo ah oo u dhalatey wadanka Shiinaha ayaa soo jiitey indhaha dadka wadankaasi iyo waliba saxaafada ka dib markii ay la soo baxeen xirfad la yaab leh oo ay Music ka tumeen qudaarta la cuno.

Labadan nin oo aan adeegsaneyn qalabka caadiga ah ee loo adeegsato tumista ama garaacista Mustikada ayaa halkii ay ka adeegsan lahaa qalabkaasi waxay adeegsanayaan noocyo kala duwan oo ka mid ah khudaarta caadiga ah ee la cuno  sida Bataati, bocorka iyo waliba Karootada arintaasi oo yaab badan dhalisay.

Telefishinka NDTD ee dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa laga baahiyey barnaamij labadan in ee walaalaha laga duubay iyagoo music ka shanqarinaya isla markaana aan adeegsaneyn wax qalab ah oo aan ka aheyn khudaarta sida karootada, bocorka, bataatiga iyo waliba basal baar.

Sheekadan yaabka iyo qosolka badan dhalisay si aad u daawato riix link-ga hoose ee video-ga.DAAWO