Ciidamada maamulka Somaliland ee shaley duulaanka qaawan ku soo qaaday magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa ka hor intii aanay magaalada soo galin waxay si arxan daran ugu duqeeyeen madaafiicda culus ee loogu tala galay in lagula dagaalamo ciidamada ku jira dhufeysyada adag, balse si ka baxsan xeerarka dagaalka madaafiicdaasi waxay ku garaacdey dad rayid ah iyo deegaano ay degan yihiin haween, caruur iyo dad waayeel ah.

Filim muuqaal ah oo ay iska duubeen ciidamada Somaliland laguna duubay Kaamirooyinka mobile-da ayay SBC heshay waxaana filimkaasi ka muuqanaya arxan darada ciidamada Somaliland dagaalkaasi ugu adeegsadeen qoriga PM-ka oo ka mid ah hubka ugu culus aduunka, waxaana filimkan ka muuqanaya aqoondaro ciidamada Somaliland ka haysta adeegsada qorigaasi iyagoo si indho la’aan ah isaga tuuraya rasaasta iyagoon u aaba yeelin halka ay ku dhacayso.

Madfacii ugu horeeyey markii uu ka baxay qoriga oo saaran baabuur Jeemis ah ayey qaylo ku waalanayaan horinta qorigaasi wadatey iyagoo ku qaylinaya hoos u dhig iyo xaga u jeedii iyo meel dhaw ayuu ku dhacay, taasi oo muujinaysa in in aqoondaro iyo waliba hubanti la’aan ay isaga ridayaan hubkaasi culus.

Qoriga PM-ka oo adeegsigiisa loogu tala galay aqoon iyo xirfad ciidanimo waxana maleeshiyaadka Somaliland ka muuqata xirfad la’aan iyagoo xitaa aan u labisneyn qaab ciidan watayna dhar caadi ah, taasi oo muujinaysa in qaab qabiil loo soo adeegsadey maleeshiyaadkaasi oo aan wax hanaan ciidan ah shaqo ku laheyn.

Ninkii qoriga ridayey ayaa ku celcelinaya “waar meesha ay ku dhacdey ii eega” iyo hadalo kale oo ay ka muuqato aqoon la’aan iyo jahli uu ka aradan yahay xirfadii loogu tala galay adeegsiga hubkaasi culus.

Si aad u daawato filimkan yaabka iyo naxdinta leh ee ay Somaliland hubka PM-ka ugu adeegsanayso dagaalkii shaley ka dhacay Buuhoodle riix link-ga VIDEO hoose.Halkan riix
Daawo