Laba sarkaal oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland una dhashay qabiilka Habar-Awal ee beelaha Isaaq oo wata gaari nooca dagaalka ah ayaa maalinimadii shaley soo gaarey degmada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn, kuwaasi oo ka soo goostey ciidamada maamulka Somaliland.

Saraakiishan ayaa xiriir ay la soo sameeyeen saraakiisha maamulka Khaatumo State of Somalia waxaa u suuragashay inay soo goostaan waxaana si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Buuhoodle iyadoo looga hortagey banaanka magaalada, iyadoo markii ay soo galeen gudaha magaalada la geeyey xarunta madaxtooyada maamulka Khaatumo ee Buuhoodle halkaasi oo ay kulamo kula yeesheen hogaamiyeyaasha maamulkaasi.

Saraakiishan oo saxaafada la hadley ayaa sheegay in sababaha ugu waa weyn ee ay uga soo goosteen maamulka Somaliland ay tahay iyagoo cadaalad xumada maamulka uu madaxweynaha ka yahay Axmed Siilaanyo isla markaana qabiilada qaar lagu laynayo kuwa hoosta la gashanayo, iyagoo sheegay in cadaalad xumadaasi darteed ay si madaxbanaan uga soo tageen dhinaca Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegeen inay aad uga caroodeen oo ay siin wayday in ciidamadii qaranka loo adeegsadey dan reer , taasii oo aan aheyn mabda’a ay wateen markii hore sida ay hadalka ay u dhigeen.
DHAGEYSO CODKA SARKAALKA SOO GOOSTEY


HALKAN KA DAAWO VIDEO SOO DHAWEYNTII GAARIGA & SARAAKIISHA SOO GOOSATEY

DAAWO SAWIRADA