Magaalada London ee caasimada UK waxaa dhawaan lagu qabtey Mu’tamar weyn oo ay ka soo qayb galeen culimo waa weyn oo Soomaaliyeed waxaana muxaadaradaasi ka mid ahaa.

1: Qabiilka & Qabyaalada
2: Fadliga Qur’aanka
3: Qaadka, Shiishada & Sigaarka
4:Dawrka Dhalinta Islaamka & kuwa kale oo fara badan.

Culimadii ka soo jeedisey muxaadarooyinkaasi waxaa ka mid ahaa Sheekh Mustafe Xaaji Ismaciil, Sheekh C/rashiid Sheekh Cali Suufi, Sheekh Cali Muxamed Saalax, Sheekh Muxamed Cabdi Umul & kuwa kale.

Hadaba waxaan idiin soo gudbinaynaa muxaarado qiimo badan oo ku aadan Sigaarka, Qaadka & Shiishada, muxaadaradan uu soo jeedinayo Sheekh Musfate Xaaji Ismaaciil wuxuu si qoto dheer Sheekhu uga hadlayaa dhibaatada balwadahadaasi u leeyihiin nafta qofka bini’aadamka ah, isagoo ka eegayaa dhanka caafimaadka, diinta, bulshada, dhaqaalaha, fasahaadka, macsida & waliba aqoonta guud ee maadiga ah.

Qaybta ka daawo Video-ga muxaadaradaasi fadlan u gubdi walaalaha Soomaaliyed, isla markaana ka qayb qaado faafinta wanaaga & suulinta xumaanta.