Mucjisooyinka EEBE ayaa ah kuwa awoodiisa iyo in loo baahan yahay in aadanuhu uu ku cibro qaato, iyadoo ay soo kordhayaan sanooyinkan mucjisooyin aan horey loo arag.

Mid ka mid ah mucjisooyinkaasi ayaa todobaadkan ka dhacdey Isbitaal ku yaal wadanka Bangaladash ka dib markii wiil yar oo dhashay uu isla markiiba bilaabay in uu ku dhawaaqo magaca ALLE, isagoo waliba ku celceliyey tiro ka dhawr jeer.

Isbitaalka wiilkan uu ku dhashay oo lagu magacaabo Moinuddin Memorial Hospital oo ku yaal magaaalda Sirajganj ee waqooyiga gobolka Bengal ee wadanka Bangladesh.

Hooyada & Aabaha wiilkan ayaa lagu kala magacaabaa Rozena Begum & Khoda Box waxaana ay sheegeen inay aad ula yaabeen wiilkooda oo markii uu dhashay bilaabay in uu ku dhawaaqo magaca ALLE, isagoo waliba ku sii darey ALLAAH, ALLAAH, ALAAH ilaa aan dhinto.

Wiilkan ayaa markii uu ku dhawaaqayey magaca ALLE wuxuu si la fahmi karo oo fasiix ah uu ugu celcelinayey magaca ALLE, iyadoo muuqaalkaasi wiilkaasi oo xusaya magaca ALLE laga baahiyey warbaahinta caalamka.

Si aad u daawato wiilkan oo ku dhawaaqaya magaca ALLE riix linka Video-ga hoose. Halkan ka daawo

DAAWO

Yaasiin Faradheere
SBC International Stockholm
yaasinfaradheere@hotmail.com