Qaraxyadii cuslaa ee sababay dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhacay magaalada Boston oo ay ka socdeen tartan Orod ayaa waxaa soo baxaya muuqaalo iyo sawiro dheeraad ah, iyadoo Telefishinada caalamka laga baahiyey muuqaalo kala duwan.

Hadaba muuqaal ay baahisay wakaalada wararka ee AFP ee Faransiiska laga leeyahay ayay ku muujisay daqiiqadii uu dhacay qaraxii ugu horeeyey ee bilowga u ahaa qaraxyada sadexda ah ee ka dhacay magaalada Boston, iyadoo jawi sacab iyo mashxarad isugu jirey oo loo sameynayey tartamayaashii orodkaasi ka qayb galayey uu isku badalay murugo, cabaad, qaylo iyo baroor.

Muuqaalada la baahiyey waxay xambaarsan yihiin argagax iyadoo dhiig uu daadsanaa goobtii tartanku ku dhamaanayey ee qaraxyadu ka dhaceen, waxaana la sheegay in dadka wayxeeladu soo gaartey qaarkood lugahoodu go’een, halka kuwa kalen ay gubteen.

Link-ga Video-ga hoose ka daawo muuqaalkii ugu yaabka badnaa ee daqiiqadii uu dhacay qaraxu iyo sida jawigu isku badaley.

Video

SBC News Desk