Xaflad balaaran oo ayka soo qayb galeen dadweyne boqolaal gaaraya ayaa xaley lagu qabtey magaalada London ee caasimada UK, taasi oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee UK, waxaana lagu soo dhaweynayay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
hasan_sheekh_london4

Xafladan ayuu ka jeediyey madaxweynuhu khudbad dheer oo dhinacyo badab taabanaysa, waxaana uu ka hadley arimaha ugu dambeeyey ee ay ku talaabsatey xukuumadiisa iyo waliba xaaladaha dhanka siyaasayada, amaanka, arimaha bulshada & waliba qorshaha u degsan xukuumada uu Madaxweynaha ka yahay.hasan_sheekh_london3hasan_sheekh_london2hasan_sheekh_london

Xaflada oo ka dhacdey Central Hall Westminster waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa wafdigii la socdey Madaxweynaha.

Link-ga Video-ga hoose ka daawo khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga hadley arimo badan oo muhiim ah.
VIDEO