(DIGNIIN MUUQAALKA FILIMKA CARUURTA IYO DADKA WAAYEELKA AH MA DAAWAN KARAAN) Maalinimadii shaley waxaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qaybta maamulka Galmudug qarax ismiidaamin ah oo lala beegsadey Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii hore ee Soomaaliya, isla markaana xilal wasiir iyo taliyaha ciidamada Booliiska ka soo qabtey dawlada KMG Soomaaliya.

Qaraxan oo ahaa mid uu fuliyey qof isqarxiyey ayaa ka dhacay guriga uu degan yahay Col. Qaybdiid isagoo xiligaasi ku sugnaa guriga balse ka badbaaday qaraxaasi, inkastoo ay ku dhinteen sadex qof oo ay ka mid ahaayeen darawalkiisii qaaska ahaa, taliyihiisii ciidamada ilaalada iyo askari ka mid ahaa ilaalada.

Weerarkan oo ay sheegteen xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa fuliyey laba nin iyadoo mid ka mid ah uu isku qarxiyey gudaha guriga kaasi oo ay ka celiyeen in uu gudaha u gudbo ilaalada Col. Qaybdiid oo ay rasaas ba’an iswaydaarsadeen labada nin.

Ragga weerarka soo qaaday ayaa xoog ku soo galey ganjeelka guriga waxaana ay durbadiiba dileen askarigii ilaalada ka hayey albaabka hore ee guriga waxayna u soo gudbeen gudaha balse intii aanay u gudbin qolalka gurga ayaa waxaa rasaas kala hortagey ilaalada guriga iyadoo ninkii isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyey daarada guriga, iyadoo halkaasi ay ka dhalatey geeriga ilaalada Col. Qaybdiid iyo ninkii isqarxiyey, sidoo kale waxaa isla goobta ku geeriyooday ninkii kale ee weerarka qaybta ka ahaa.

Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa wararku sheegayaan in uu ku sugnaa qol ka mid ah qolalka guriga uuna shir kula lahaa saraakiil ay ka wada hadlayeen arimaha gobolka iyo xaalada maamulka Galmudug.

Cabdi Qabydiid oo la hadley saxaafada ka dib qaraxaasi ayaa sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid lagu doonayey in isaga lagu dilo waxaana uu sheegay in ay ka dambeeyeen waa sida hadalka uu u dhigay’e kooxaha argagixisada Shabaabka iyo Al-Qaacida, isagoo xusey in sadex ka mid ah ilaaladiisa ay ku dhinteen weerarkaasi.

Weerarkan isqarxinta ah ee lagu qaaday Col. Cabdi qaybdiid ayaa ah kii ugu horeeyey noociisa ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo oo qof isqarxiyey uu weerar geysto, waxaana arintan walaac balaaran ka muujiyey madaxda iyo dadweynaha maamulada Puntland & Galmudug ee gobolka kuwaasi oo sheegay in arintan ay tahay xaalad cusub oo gobolka ku soo korortey.

Wax yar ka dib markii uu qaraxaasi dhacay waxaa goobtaasi sawiro iyo filim ka qaaday saxaafada deegaankaasi, iyadoo lagu dhex arki karey gudaha guriga nin la sheegay in uu ahaa ninkii qaraxa fuliyey oo madaxiisa oo go’an iyo lug ay dhextiil halkii qaraxu ka dhacay.

Ninka la sheegay in uu qaraxa fuliyey ee meydkiisa la helay waxaa si fiican loo arkayaa wajigiisa iyadoo la aqoonsan karo, hadaba si aad u daawato ninkan iyo muuqaalka goobtii qaraxu ka dhacay iyo wareysi uu bixiyey Col. Qaybdiid link-ga hoose ka daawo. Halkan Riix

Daawo 

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobillan1@hotmail.com