Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ayaa soo bandhigay Nin haysta dhalashada Mareykanka & Jarmalka oo afduub ay ugu haystaan bartamaha Soomaaliya shantii bilood ee la soo dhaafay.

Ninkan oo lagu magacaabao Michael Scott Moore ayaa ah saxafi oo ka shaqeeya hay’ada warbaahinta Der Spiegel ee laga leeyahay wadanka Jarmalka, waxaana kooxaha afduubayaasha ay ku haystaan deegaano ka mid ah maamul goboleedka Galmudug.

Muuqaal Video ah oo laga duubay ninkan ayuu ku sheegay in naftiisu ay ku jirto qatar, isagoo ku calaalay in dawladaha Jarmalka iyo Mareykanka uu ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii loo siideyn lahaa oo lacag madaxfurasho ah kabixiyaan, wuxuuna sheegay in mudo sadex maalmood ah hadii aan lagu siideyn ay kooxda afduubayaasha ah ku wareejin doonaan xarakada Al-Shabaab iyagoo lacag uga badalanaya.

Dableyda haysta ninkan waxay ka cabsi qabaan in ay dhacdo in weerar ay ku soo qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya  kuwaasi oo xoog kula wareegan ninkan si la mid ah shaqaalihii hay’ada DDG eek ala ahaa Jessica Buchanan & Poul Hagen oo Gaalkacyo laga qafaashay ka dibna Hawlgalkaasi ay fuliyeen ciidamada looga soo firtey maleeshiyadii haysatey oo 9 ka mid ah la diley in kale nolol ahaan lagu watey.

Link-ga video hoose ka daawo ninkan afduubka loo haysto ee Mareykanka & Jarmalka u dhahsay oo naftiisa u cabsanaya, isla markaana codsanaya in lacagta madaxfurashada ay bixyaan dalalka uu u dhashay, ninkan oo geesaha ay ka dhooban yihiin dabley ku hubaysan noocyada kala duwan ee hubka wajiyadana qarsadey. Halkan Riix

Daawo

 SBC News Desk