Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaabkii uu dhacay qarixii maanta ka dhacay xarunta Tiyaatarka qaranka magaalada Muqdisho kaasi oo dad fara badan ku dhinteen.

Qaraxaasi ahaa waxaa la sheegayaa inay geysatey ruux haweenay ah oo isku soo xirtey waxyaabaha qarxa iyadoo masuuliyada qaraxaasi ay sheegteen xarakada Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawlada KMG Soomaaliya.

Warbaahinta SBC ayaa heshay muuqaal la duubay daqiiqad ka dib markii uu qaraxaasi dhacay, waxaana ka muuqanaya ruux dumar ah oo si ba’an ugu waxyeeloobay qaraxaasi oo laba cad ah, haweenaydaasi oo la sheegay inay aheyd tii qaraxa fulisay.

Link-ga VIDEO hoose ka daawo qaraxa.
HALKAN KA DAAWO


SBC NEWS DESK