Barnaamijkan waxaad ku daawan doontaa dhacdooyinka ugu waa weynee ee Todobaadkan ka dhacay gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho, barnaamijkan waxaan ku soo qaadaneynaa, banaanaxyadii magaalada Muqdisho, qaarajintii wasiirka arimaha gudaha Shabaab oo ka hadley falkii lagu diley wasiirka & dilkii hogaamiyihii Al-Qaacidada Bariga Afrika.

Digniin: Waxaa ku jira qaybo ka mid ah muuqaalka barnaamijka filim ay ka muuqdaan meyd inkastoo Zoom out ay tahay, hadaba caruurta & dadka niyada jilicsan uma haboona clip-ka ugu dambeeye ee barnaamijka.