Ciyaaryahan ka tirsanaa kooxda Livorno ee heerka labaad ee dalka Talyaaniga oo lagu magacaabi jiray Piermario Morosini ayaa ku dhex geeriyoodey maalinimadii Sabtida garoon ay ka socotey ciyaar kubada cagta oo qayb ka ah ciyaaraha Sera B-da dalkaasi.

Ciyaaryahankaasi oo lambarka 25-aad u sitey kooxdaasi da’diisuna aheyd 25 sano jir horeyna uga mid ahaa kooxda 21 jirka ka yar ee qaranka Talyaaniga waxaa lagaga soo booday wadnaha iyadoo uu ku dhacay xanuun xaga wadnaha balse ahaa mid deg deg ah oo aanu horey u qabin.

Piermario Morosini ayaa dhulka ku dhacay daqiiqadii 31-aad ee ciyaartaasi oo ay kooxdiisa Livorno ay la laheyd kooxda Pescara, waxaana isla markiiba goobtii uu ku dhacay ku soo cararay kooxaha gurmadka ee dhanka caafimaadka si ay ula tacaalaan, hase yeeshee wuxuu u muuqday mid xaalkiisu uu ka darayo, iyadoo walaaca kale ee haatan soo baxaya uu yahay sababaha ay u soo daahday Ambulance-ka caafimaadka oo la sheegay in iridkii garoonka oo ay ka soo gali laheyd uu ku ciladoobay gaari ay isla leeyihiin ciidamada Booliiska arintaasi oo baaritaan haatan lagu hayo.

 “Wax kasta oo aan isku dayney ee badbaadin ahaa waa aynu sameynay, laakiin awood uma aynan helin inaan ka saarno koomada uu galey wuxuuna ahaa qof meyd ah markii  la keenay kadinka hore ee Isbitaalka uu ahaa meyd” sidaasi waxaa saxaafada u sheegay Leonardo Paloscia oo ka tirsan Isbitaalka magaalada Pescara.

Piermario Morosini ayaa ka tirsanaa kooxda Udinese ee heerka koowaad (Sera A) dalka Talyaaniga, balse kooxda Livorno ayuu ahaam ahaan kula joogay mudooyinkii ugu dambeeyey.

Piermario Morosini wuxuu ku soo koray hooyo iyo aabe la’aan, waxaana la sheegay in isagoo jira dhawr iyo toban sano ay waalidkiis geeriyoodeen, waxaa kale oo la dhashay laba qof oo qaba cudurada dhimirka kaasi oo mid ka mid ah uu isdilay sanadkii hore.

Geerida ciyaaryahan Piermario Morosini oo si weyn loogu murogooday tartamada ciyaareed ee dunida waxaa la baajiyey guud ahaan tartamadii kubada cagta ee heerka labaad iyo koowaad ee dalka Talyaaniga taasi oo lagu sheegay murugo loo sameynayo ninkaasi.

Dhacdadan waxay soo xusuusisay dadka xiiseeya kubada cagta todobaadyo ka hor markii  ayaa ciyaaryahan ka tirsanaa kooxda Bolton ee Horyaalka Premier League-ga Ingiriiska oo lagu magacaabo Fabrice Muamba uu dhulka ku dhacay ka dib markii uu ku soo booday wadne xanuun xili kooxdiisu ay la laheyd ciyaar kooxda Tottenham ee ka dhisan magaalada London kulan ka tirsanaa koobka FA-ga dalka Ingiriiska.

Ciyaaryahan  Muamba ayaa kooxda dhakhaatiirta ee la tacaalaysay xaalkiisa caafimaad waxay sheegeen in mudo 70 saacadood ka badan uu ku jiray koomo isla markaana lagu rakibay mishinimada neef qaadka ka saacida bini’aadamka, inkastoo mudo ka dib ciyaaryahankaasi xaalkiisu uu ka soo wanaagsanaadey sidii hore.

Link-ga video-ga hoose ka daawo ciyaaryahankaasi oo dhulka ku faniinaya naftuna dhibayso.HALKAN KA DAAWO VIDEO

DAAWO SAWIRADA

Yaasin Faradheere
SBC International