Ka dib markii uu soo baxay warka ku saabsan in howgal ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaray ee Delta Force & Navy Seal ay dil qorsheysan ku fuliyeen hogaamiyihii shabakada Al-Qaacida Osama Bin Ladin ayaa waxaa saxaafada dunida qabsadey sawir la been abuuray oo muujinaya in la helay muuqaalka dilka Osama Bin Ladin.

Sawirkan oo ah mid been abuuray oo lagu sameeyey soft ware-ka loo yaqaan Photoshop ayaa markii ugu horeysay waxaa baahiyey Telefishin laga leeyahay wadanka Pakistan oo lagu magacaabo Geo News kaasi oo ahaa warbaahintii ugu horeysay ee soo tabisa weerarka iyo dilka Osama Bin Ladin.

Tv-ga Geo News waxaa kale oo uu ahaa Tv-gii soo tabiyey weerarka oo toos u socda inkastoo aanu gudaha guriga Bin Ladin ku sugnaa soo deyn hadana waxaa war deg deg ah oo Tv-gaasi baahiyey uu muujinayey qaraxyo iyo holac ka baxayey guriga la weeraray ee la sheegay in Osama Bin ladin uu ku jirey.

Hadaba baaritaan aan ku sameynay sawirkan dhex sabeynaya baraha Internet-ka iyo saxaafada aduunka ayaan ku soo ogaanay in sawirnkan uu yahay mid la been abuuray oo la sameeyey iyadoo qof horey u dhintey lagu farsameeyey sawir horey Bin Ladin looga qaaday sanadkii 1996-kii.

Sawirkan waxaa kaloo laga dhigey in loo jeediyo qayb kale ee wajiga iyadoo lala damacsana in run ahaan laga dhigo isla markaana lagu fariisiyo qofka meydka ah sawirkiisa, iyadoo waxyaabaha ka muuqda ee beenta ah ay ka mid tahay in qofka garabkiisa midig & sawirka Bin Ladin ee la saarey aanay isku midab aheyn oo ay kala duwan yihiin midabka, sidoo kale garka ayaa ciradiisa laga dareemayaa is badal.

Sidoo kale sawirka waxaa kaloo ka mid ah waxyaabaha muujinaya been abuurka iyadoo uu faqri weyn ku jiro isha Bin Ladin iyo isha qofka sawirka laga soo qaaday.

Hadaba SBC oo isku dayeysa inay u soo gubdiso akhrisyataayeesheeda wararka ugu dambeeyey ee ku xaqiiqda ku saleysan ee dunida ka dhacaya ayaa u dhaba gashay wararka sawirkan ku saabsan geerida Bin ladin, inkastoo aynan wali ka helin dawlada Mareykanka ama wakaaladaha wararka sawiro ama muuqaalada hawlgalkii dilkii Osama Bin ladin, hadana waxaan jeclahay inaan u soo gudbino macaamiisheena warar sugan oo ku saleysan xaqiiqda dhacdadan iyadoo wararka ku saabsan geerida & halwalka Osama Bin Ladin ay SBC noqotey warbaahinta Soomaalida ee sida joogto ah daqiiqad daqiiqad ugu soo gudbisnay shacabka Soomaaliyeed warkan oo ahaa mid si weyn dunidu u xiisenaysay xaqiiqdiisa iyo waliba jiritaankiisa.

Hadaba halkan ayaan idinku soo gudbinayaa sawiro & filim ku saabsan sawirkan la sheegay in uu yahay meydka Bin ladin si dad badan oo arinkan ku jahwareersan ay uga dhargaan xaqiiqda una helaan xog sugan.

Daawo Video-gan ka hadlaya muuqaalka dhabka ah iyo sida sawirkan loo sameeyey:
http://www.youtube.com/watch?v=DmegkqV9XLU&feature=player_embedded

Mowliid Xaaji Cabdi
mowliidsons@gmail.com