Madaxweynaha Puntland ayaa dagaal afka ah ku qaaday qaar ka mid ah saxaafada madaxbanaan isagoo ku tilmaamay in cid kasta oo isku dayday inay qalqal galiso amaanka Puntland talaabo adag laga qaadayo, isla markaana aanay dhawern  xuquuqda saxaafada hadii la isku dayo in la carqaladeeyo amaanka.

“Kuma tuug ah oo aan waxba qaban oo aan qoraalo ka soo saarnay, qaarkoodna baarlamanka ku jiraan oo aan u maleynayo inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaabka ayaa Xamar ka qaylinaya oo ceen doon ah, idaacadaha qaarkood & Tv-yada qaarkood baa xayeysiiya oo uu ka mid yahay kii hada aynu halkan ka saarney ee  Somali Chanel, hadeer waan idiin sheegayaa qolodiina Tv-yaasha amaankayaga cidii wax u dhinta, media-yada xuquuqdeeda….media-yada xuquuqdeeda ..media-yada waa inay wax wanaagsan sheegtaa wixii amniga wax u dhimaya bahalaha (qalabka) waa laga jajabinayaa iyagana waa la qabanayaa, anaga awiliyaad waxaa inoo ah amaankayaga iyo dadkayaga oo noolaada, ma ahan wiil xun oo inta 50 doolar Al-Shabaab siiyaan sawir intuu qaato meelaha ka xayeysiiya, sida Somali Chanel iyo Universal oo wax laga sheegsheegayo laakiin awal waa roonaan jirey dibnaan iyagana u eegaynaa” ayuu yiri madaxweynaha Puntland oo hadalkan ka jeediyey furitaankii fadhigii golaha wakiilada Puntland ee shaley ka furmay magaalada Garoowe.

Hadalka madaxweynaha ayaa waxaa ku xigey wareegto saaka ka soo baxdey wasaarada warfaafinta Puntland oo shaqadii lagaga joojiyey wakiilada Puntland ee Telefishinada Universal & Somali Chanel.

HALKAN KA DAAWO

Deeqo Nuur Faarax (Billan)
SBC International Gaalkacyo
deeqobilan1@hotmail.com