Wiilka curadka ah ee uu dhaley Col. Gadaafi ayaa ka mid noqdey laba wiil oo uu dhaley hogaamiyihii Liibiya oo gacanta u galey xoogaga mucaaradka.

Muxamed Qadaafi ayaa waxaa la qabtey isagoo ku jirey guri ku yaal magaalada Tripoli waxaana la qabtey isagoo wareysi toos ama Live ah siinayey Tv-ga Al-Jazeera.

Wareysigaasi ayaa intii aanu dhamaan wuxuu sheegay Muxamed in lagu hereeraysan gurigiisa oo rasaas ka socoto banaanka waxaana laga maqlayaa wareysiga isagoo ashaahadanaya isla markaana waxaa go’ay khadkii telefoonka ee uu wareysiga ku bixiyey wiilka Col. Qadaafi.

Linka hoose riix si aad u daawato wareysiga oo sidoo kale laga maqlayo israaseyn xoogan.
HALKAN RIIX