Warbixin Muuqaal ah ayaan ka diyaarinay safarkii maanta Muqdisho uu ku tagey Ra’isalwasaaraha Turkiga Rejep Tayyip Erdogan waxaana wafdigaasi uu ahaa kii ugu balaarnaa ee Soomaaliya booqda mudo 21 sano ah.

Wafdiga Rejep Tayyip Erdogan  ayaa watey sadex diyaaradood waxaana mid ka mid ah ay sidey in ka badan 100 ciidamo gaar ah oo aad u qalabeysan oo sugayey amaanka Ra’isalwasaaraha & wafdigiisa.

Markii ugu horeysay waxaa laga maarmay ciidamada AMISOM oo ilaalin jiray amaanka dadka soo booqanaya Muqdisho iyadoo ciidamo aad u tababaran oo la socdey Ra’isalwasaaraha ay amaanka aad u ilaalinayeen iyo kuwa kale oo dhar ah oo isgaarsiinta oo kaliya kuwada xiriiriya.

Mid ka mid ah diyaaradii wafdiga ayaa khasaare ka soo gaarey ka dib markii ay baalka ku dhufatey dhabaha diyaaraduhu ku cararaan, balse wax dhibaato ah ma soo gaarin dadkii diyaaradaasi saarnaa.

Warbixintan waxaad ku daawan kartaa sidii diiraneyd ee loogu soo dhaweeyey Ra’isalwasaaraha & wafdigiisa magaalada Muqdisho.

Si aad u daawato dhamaan muuqaaladaasi gaar ahaan sida la yaabka leh ee ilaalada Ra’isalwasaare Rejep Tayyip Erdogan ula wareegeen amaanka garoonka diyaaradaha link-ga hoose riix.